Midowga Musharixiinta oo la kulmay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka Dowladda Federaalka & Xubnaha Midowga Musharixiinta.

Kulankaan ayaa looga hadlay dardargelinta Arrimaha Doorashooyinka oo qaarkood billowday iyo doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ee dhawaan bilaaban doona.

Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay is dhaafsadeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Midowga Musharixiinta ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada waxaa ay u gudbiyeen cabashada ay ka qabaan habraacii doorasho ee shalay ay soo saareen Golaha wadatashiga doorashooyinka.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli Maanta Midowga Musharixiinta ay si cad uga soo hirjeesteen habraacii doorasho ee Golaha wadatashiga doorashooyinka kasoo baxay, kaas oo ay sheegeen in uu ahaa mid ay awooda doorashada kula wareegeen dowlad Goboleedyada.