Midowga Musharixiinta oo War-saxaafadeed soo saaray

Kadib kulamo Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay kasoo saareen warsaxaafadeed ay uga hadlayaan sida ay ku bilowdeen doorashooyinka aqalka Sare & shirka ay yeelanayaan Golaha wadatashiga Qaran ee ka furmaya dhawaan magaalada Muqdisho.

War-Saxaafadeedka Midowga Musharixiinta oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa walaac looga muuijiyay sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, sidoo kalena ay u tagan yihiin xaqiijinta sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda habraac heshiis lagu yahay si dalka looga badbaadiyo xasilooni siyaasadeed oo horleh.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in habraaca doorashooyinka Aqalka Hoose ay noqdaan kuwo daahfuran oo wadar ogol ah, sidoo kale shirka Golaha wadatashiga qaran la ballaariyo, iyaga oo soo jeediyay Afar qodob, kuwaas oo kala ah.

1- In 135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada aqalka hoose.

2- In doorashada ay ka dhacdo goob amnigeeda sugan yahay booliska federaalka, dawlad-goboleedka iyo AMISOM ka wada qaybqaataan.

3- In kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami- u-qabashada doorashooyinka.

4- In bulshada rayidka ah, ururrada caalamiga iyo xubnaha beesha caalamka ay goobjoog ama korjoog ka ahaadaan habsami u socodka doorashooyinka.

Ugu dambeyn Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu ballaariyo kulanka ay ku ballansan yihiin madaxda madasha watashiga qaran si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah, dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed.