Midowga Yurub oo safiir cusub u magacowday Soomaaliya

Dalalka Midowga Yurub ayaa waxaa Safiirkii hore ee Estonia ee UK Tiina Intelmann u soo magacaabeen in ay hoggaamiso safaaradda Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u fadhin doona Soomaaliya eeTiina Intelmann ayaa waxaa ay noqoneeysaa qofkii saddexaad oo Estonia u dhashay oo hoggaamiya safaaraddaha dibadda ee Midowga Yurub.

Tiina Intelmann ayaa waxaa ay bedeli doontaa safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicalos Berlang oo muddo saddex sano ah Xafiiska joogay, kaas oo dhawaan Magaalada Muqdisho loogu qabtay Xaflad sagootin ah.

Laga soo bilaabo 2014-2017, Intelmann waxay ahayd hoggaamiyaha ergayga Midowga Yurub ee Liberia waxayna ka shaqeyneysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Estonia ilaa 1991-kii.

Diblomaasiyiinta kale ee reer Estonia ee hogaaminaya Wakiillada Midowga Yurub waa Matti Maasikas, Safiirka Midowga Yurub ee Ukraine, iyo Riina Kionka oo loo magacaabay Danjiraha EU ee Koonfur Afrika sannadka .

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho soo gaarto Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u fadhin doonta Soomaaliya, iyada oo Shaqadeeda ka billaabeysa Xarunta Safaaradda Midowga Yurub ee Magaalada Muqdisho.