Milateriga Sudan oo Ka Digay Faragelin Milatari oo ka Socota Xadka Waqooyi ee Dalka.

Xafiiska Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Sudan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maleeshiyada Rapid Support Forces (RSF), oo taageero ka helaysa ciidamada Liibiya ee uu hoggaamiyo General Khalifa Haftar, ay weerar ballaaran ka fuliyeen xuduudda ay wadaagaan dalalka Sudan, Masar iyo Liibiya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray milateriga Sudan, weerarkan ayaa lagu sifeeyay mid ah “isku day istiraatiiji ah” oo ay maleeshiyada RSF, oo si toos ah u taageerta Imaaraadka Carabta, ku doonayaan inay gacanta ku dhigaan aagga saddex-geesoodka ah ee xuduuddaas muhiimka u ah dhaqaalaha, ammaanka iyo siyaasadda gobolka.

Ciidanka Sudan ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta tooska ah ee ciidamada General Haftar ee gudaha Sudan, taasoo ay ku tilmaameen weerar cad oo ka dhan ah madax-bannaanida qaranka Sudan, isla markaana halis ku ah xasilloonida gobolka.

“Shacabka Sudan iyo Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay si buuxda ugu heellan yihiin difaaca dalkooda, madax-bannaanidooda, iyo karaamadooda qarameed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Ciidanka Sudan.

Ciidamada Sudan ayaa sidoo kale ka digay in tallaabo kasta oo lagu carqaladeynayo xuduudaha dalka ay si adag uga hortagi doonaan, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka in ay si dhab ah uga falceliso faragelinta ciidamada ajnabiga ah ee ku lug leh dagaalka ka socda gudaha Sudan.