Mowjadaha is-riix xiixa siyaasada dalka oo kordhaya iyo madax kale oo Muqdisho ku soo wajahan.

Waxaa maanta la filayaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo si rasmi ah ugu biiraya koox siyaasiyiin mucaarad ah oo u arka in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dalka gelisay xaalad siyaasadeed oo qalafsan. Rooble ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo kulamo siyaasadeed oo ay horay u bilaabeen madax hore oo dalka soo hoggaamiyay, kuwaas oo durba Muqdisho ku sugan, sida Ra’iisul Wasaayaashii hore Cabdiweli Sheekh Axmed, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid,” iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdan siyaasiyiinta ah ay qorsheynayaan in ay maalinta berri shir ballaaran ka furtaan magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku doonayaan in ay mideeyaan mowqifkooda siyaasadeed, isla markaana ay si cad uga hor yimaadaan siyaasadaha dowladda federaalka ah. Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka, amniga dalka, geeddi-socodka Dastuurka iyo xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo mucaaradku doonayaan in ay dhisaan isbahaysi siyaasadeed oo xoog leh si ay u saameeyaan go’aanada muhiimka ah ee dalka.

Shirkan ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama uu kusoo beegmayo xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado culus oo dhinacyada amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka ah, waxaana la saadaalinayaa inuu saameyn weyn ku yeelan karo mustaqbalka dhow ee hoggaanka dalka.