Mucaaradka dowlada oo kulamo la yeeshey qaar kamid ah xildhibaanada.

Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulamo gooni-gooni ah kula yeeshay xildhibaanno iyo dhalinyaro Soomaaliyeed. Kulamadan ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan caasimadda, iyagoo si gaar gaar ah ula falgalay qeybaha bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Kulamadan muhiimka ah ayaa loo arkaa inay yihiin kuwo hordhac u ah shir ballaaran oo la filayo in toddobaadkan ay Muqdisho ku yeeshaan siyaasiyiinta mucaaradka, si ay uga arrinsadaan xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka. Shirkan la qorsheynayo wuxuu noqon doonaa fursad kale oo ay mucaaradku ay kuk soo bandhigi doonaan mowqifyadooda siyaasadeed, iyagoo isla meel dhigi doona aragti mideysan oo ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Intii kulamada ay socdeen, madaxda mucaaradka ayaa si qoto dheer uga dooday arrimaha taagan, gaar ahaan xaaladda doorashooyinka dalka, khilaafaadka jira, iyo caqabadaha heysta hirgelinta hannaan doorasho oo loo dhan yahay. Waxa kale oo ay xoogga saareen sidii loo heli lahaa xal waara oo ka turjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, si looga fogaado is-marinwaa siyaasadeed iyo fowdo hor leh.

Warar hoose ayaa sheegaya in dadaallo diblomaasiyadeed ay sidoo kale socdaan, kuwaas oo ay hormuud u yihiin hoggaamiyeyaashii hore ee dalka, kuwaas oo isku dayaya inay soo dhoweeyaan aragtiyada kala duwan ee mucaaradka, ayna xoojiyaan sidii loo mideyn lahaa aragtida mucaaradka.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay sii kordhaan kulamada siyaasadeed iyo shirarka hoose ee ka socda Muqdisho taas oo mucaaradka dowlada ay ku qaban doonaan magaalada Muqdisho.