Mucaaradka oo la kulmey beesha caalamka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wakiillada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulankan oo daba socday shirkii dhowaan ay Madasha ku qabatay Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira hab-raaca geedi-socodka doorashooyinka, muhiimadda hannaan doorasho oo ay Soomaalidu u dhanyahay, lagu heshiiyo, kuna dhaca waqtigiisa, si waafaqsan qodobada dastuuriga ah iyo heshiisyadii hore ee siyaasadeed.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay baahida loo qabo in la helo jawi siyaasadeed oo deggan, lana xaqiijiyo kalsoonida shacabka, hay’adaha dowliga ah, iyo daneeyayaasha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. Hoggaamiyeyaasha Madasha ayaa soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dardargelinta dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo dhisidda hannaanka doorasho ee ku saleysan wadatashi, hufnaan, iyo xorriyad.

Dhankooda, wakiillada beesha caalamka ayaa muujiyay daneyn xooggan oo ay u qabaan horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, iyaga oo bogaadiyay doorka Madasha Samatabixinta Soomaaliya ee ku aaddan kor u qaadidda wadahadalka siyaasadeed iyo wacyigelinta bulshada.

Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa mar kale ku adkeystay muhiimadda ah in la helo hannaan doorasho oo horseeda xasillooni siyaasadeed, si dalka uu si nabad ah uga gudbo marxaladda kala-guurka loona dhiso mustaqbal siyaasadeed oo sugan.