Mucaaradka dowlada oo Shir Culus ku yeeshay Muqdisho

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta shir ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasoo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka soo socda, amniga, dib u eegista Dastuurka, iyo arrimo kale oo muhiim u ah masiirka qaranka.

Shirka, oo ay kasoo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha ugu waaweyn ee mucaaradka, ayaa looga gol lahaa mideynta mowqifka siyaasadeed ee mucaaradka, iyagoo muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan hab-maamulka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u wajahayo geeddi-socodka doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa si cad u sheegay in aysan ku qanacsaneyn habka hadda loo wado diyaarinta doorashooyinka, iyagoo ugu baaqay in la helo hannaan hufan oo loo dhanyahay si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo dalka gilgila.

Sida la filayo, shirkan waxaa laga soo saari doonaa warmurtiyeed rasmi ah oo lagu caddeynayo mowqifka mucaaradka ee ku aaddan doorashooyinka, wax ka bedelka dastuurka, iyo dib-u-heshiisiinta qaranka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay inay sii kordhin doonaan dadaallada siyaasadeed iyo wada-tashiyada, si ay ugu cadaadiyaan dowladda federaalka inay qaadato hannaan hufan oo lagu wada qanacsan yahay, taasoo horseedi karta doorashooyin xor ah, xalaal ah, iyo nabad ku dhammaada.