Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka, kaas oo xoogga lagu saarayo wax ka qabashada iyo ka hortagga dambiyada ka dhanka ah haweenka. Mashruucan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda iyo ciidamada ammaanka ee lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo ilaalinta xuquuqda haweenka.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, iyo haween ka socday gobolka Banaadir. Waxaana la isku raacay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo dambiyada lagula kaco haweenka, lana abuuro jawi amni iyo cadaalad bulsho oo u fududeynaya haweenka in ay helaan ilaalin buuxda.
Mashruucan ayaa sidoo kale loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo haweenka sidii ay u noqon lahaayeen qayb ka mid ah nidaamka amniga iyo garsoorka, loona wacyigeliyo bulshada guud ahaan sidii looga hortagi lahaa tacaddiyada iyo dhibaatooyinka la xiriira haweenka. Waxaa la filayaa in mashruucan uu door weyn ka ciyaaro xoojinta nabadda iyo sinnaanta bulshada Soomaaliyeed.














