Diyaarad gaar ah oo ka soo duushay garoonka diyaaradaha Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dejisay sideed qof oo Soomaali ah, kuwaas oo dowladda Jarmalka ay sheegtay in si sharci ah dalka looga masaafuriyey. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska gobolka Bayern ee magangalyada iyo dib-u-celinta, dadkaasi waxay ahaayeen kuwo laga saaray dalka sababo sharciyeed dartood, iyadoo lix ka mid ah lagu helay dambiyo culus oo ay ku jiraan isku day dil, kufsi, dhaawac halis ah, dil bareer ah, dhac, iyo iska-caabin ciidamada ammaanka.
War-saxaafadeedka ayaa si cad u muujiyay in gobolka Bayern uu mudnaan gaar ah siinayo dib-u-celinta dadka loo arko inay khatar ku yihiin amniga dadweynaha, gaar ahaan dambiilayaasha. Dowladdu waxay sheegtay in masaafurintaasi ay ku timid iskaashi ballaaran oo ka dhexeeya hay’adaha kala duwan ee dowladda Jarmalka iyo laamaha booliska, taas oo la doonayo in lagu adkeeyo xeerarka socdaalka, isla markaana la xakameeyo qulqulka muhaajiriinta ee sii kordhaya.
Warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dadkaasi ay soo gaareen Muqdisho, hase ahaatee ma jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan arrintan. Si kastaba, guddoomiyaha cusub ee dalladda jaaliyadaha Soomaalida ee Jarmalka, Ibraahim Isxaaq Xuseen, oo la xiriirnay, ayaa xusay in warkan lagu faafiyay wargeysyada gudaha Jarmalka, balse dowladda hadda talada haysa ee Soomaaliya ay si ka duwan u wajahdo arrimaha la xiriira masaafurinta, marka la barbar dhigo dowladihii ka horreeyay.
Ibraahim wuxuu sidoo kale tilmaamay in dad badan oo Soomaaliyeed ay ka baqayaan in loo celiyo dalkooda markii laga diido codsiga magangalyada, balse uu sheegay in arrintu aysan sidaas u fududayn. Wuxuu sharxay in marka qofka aan u dhalan dalka uu dambi galo, ay abuuranto su’aalo sharci ah oo ku saabsan sii joogitaankiisa. Guddoomiyuhu wuxuu kula taliyay dhammaan Soomaalida ku sugan Jarmalka inay si buuxda u raacaan nidaamka sharciga ah, ayna horumariyaan naftooda iyagoo wax barta, shaqaysta, isla markaana dhexgala bulshada Jarmalka si ay u noqdaan dad si wanaagsan ugu dhex milma bulshadaasi.
Dhinaca kale, qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka, Daahir Salaad Xasan, ayaa horey u sheegay in ay jiraan tiro Soomaali ah oo dambiyo kala duwan u xirxiran xabsiyada Jarmalka, arrintaas oo muujinaysa baahida loo qabo in bulshada Soomaaliyeed ay fahmaan nidaamka dalka martida u ah.
Dowladda Jarmalka ayaa hore u caddeysay inay kordhin doonto tirada dadka dib loogu celinayo waddamadooda, iyadoo ujeedadu tahay in la yareeyo tirada dadka si sharci-darro ah ku soo galaya dalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashadii uu sanadkii hore ku tagay Jarmalka la wadaagay dhiggiisa Chancellor Olaf Scholz qorsheyaal lagu wanaajinayo iskaashiga labada dal, oo ay ku jirto qodob la xiriira dib-u-celinta dadka sharciyadooda la’eg.
Hoggaamiyaha Jarmalka Scholz ayaa dhinaciisa xusay in Soomaalida kumanaan gaaraysa ay magangelyo ka heleen dalkaas, ayna hadda door muuqda ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha, bulsho-wadaagga iyo horumarka guud ee dalka Jarmalka. Tani waxay muujinaysaa in masaafurinta lagu sameynayo dadka dambiyada gala aysan ku wajahnayn dadka Soomaaliyeed oo dhan, balse ay tahay tallaabo sharci ah oo lagu ilaalinayo amniga gudaha, laguna ixtiraamayo nidaamka dimoqraadiyadeed ee dalka martida loo yahay.















