Musharax Daahir Geelle oo ka tacsiyadeeyay geerida Ajakis

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka tacsiyadeeyay majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

” Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna bahda suugaanta iyo madadaallada uga tacsiyaynayaa geerida Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo Muqdisho ku geeriyooday.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu danbigiisa dhaafo, jannatul firdawsana ka waraabiyo, reerka iyo saaxibbada uu ka baxayna samir iyo iimaan Eebbe ka siiyo.

Alle ha u Naxariistee Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis ayaa waxaa uu kamid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho, isaga oo dadka ka qoslin jiray.