Waxaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasuley u tartamida xilka gudoomiyaha Baarlamaanka galmudug Cabdullaahi Axmed Calasow oo kamid ahaa musharixiinta.
Musharaxa oo Goobta doorashada ka hadley ayaa sheegay in uu gebi ahaan isaga harey tartanka guddoonka sababo isaga u gaar ah oo uusan halkaasi ka cadeyn.
Waxaa loolanka ugu adag ee doorashada gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug uu dhex-mari doonaa musharixiinta kala ah Dr. Maxamed Nur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan.
Waxaa Goordhow bilaabaneysa doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, iyada oo amniga siweyn loo adkeeyey.














