Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo looga hadlay Shidaalka.
Daahir Geelle ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay hoggaamiye fahansan sidii loola soo bixi lahaa kheyraadka Soomaaliya oo shidaalka uu ka mid yahay.
“Waxaan galabta ka qaybgalay madal cilmiyeed ay soo qabanqaabisay bahda Somali Magazine oo lagu falanqeeyay dood uu ciwaankeedu ahaa “Soomaaliya Shidaalkeeda Ma La Soo Bixi Kartaa Xelligan”.ayuu yiri Daahir Geelle.
Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxay ahayd madal qiimo badan oo aan fursad u helay in aan ku soo bandhigo aragtidayda ku aaddan ka faa’iidaysiga khayraadka dalkeenna. Way mahadsan yihiin saaxibbada igu casuumay”














