Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo gaaray ilaa 5 Musharax oo u taagan xilka madaxweynimo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
2) Mudane Maxamed Maxamuud Boonow
3) Mudane Yuusuf Baadiyow
4) Mudane XUSEEN XASAN CABDI
6) Musharaxa sameynweyn ku lex Shacabka Reer KGS Mudane Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaa masulintii sarsare ay is ku khilaafeen laynta umada soomaaliyeed Kuwa Nabadiidka ah balse markii dambe aan ku qancin siyaasadooda iyo Qaabka ayaa dadaka ula dhaqmaan oo soo gaari doona magaalada Baydhabo arbacda.
Dadka sida weyn uga war hayo xaaladda Koonfur Galbeed ayaa aaminsan in Fargeeti iyo Roobow uu noqon doono madaxweynaha xiga Koonfur Galbeed haddii uuba meesha ka baxayo Shariif Xasan Sheekh aadan oo aan taageero badan ka heysan Beelaha wada dhistay maamulkaas.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu eedeeyaa inuu yahay nin aan ka shaqeyn danaha Maamulka Koonfur Galbeed balse halkaas ku ilaashado sidii uu ugu sii jiri lahaa Siyaasadda dalka isla markaasna uu dowladda dhexe wax ula qeybsan lahaa.
Odayaasha Beelaha kala duwan ee Koonfur Galbeed soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa tilmaamay in Shariif Xasan uu dhibaato xoog leh ku hayo Koonfur Galbeed loona baahan yahay isbadal deg deg ah.














