Muungaab oo la Kulmay Danjiraha Talyaaniga, Iskaashi Cusubna ka Wada-hadlay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi, kaas oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladaha Hoose iyo sidii xiriir rasmi ah loogu abuuri lahaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Lombardia ee dalka Talyaaniga, gaar ahaan gobolkaas oo xaruntiisu tahay magaalada Roma.

Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, ayaa si diirran u soo dhoweeyay Danjiraha, isaga oo muujiyay qadarin iyo mahadnaq ku aaddan kaalinta taariikhiga ah ee Dowladda Talyaaniga ay ku leedahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadeynta, dib-u-dhiska, iyo xasilinta dalka. Wuxuu xusay in xiriir toos ah oo labada gobol dhexmara uu noqon karo fursad muhiim ah oo lagu is-weydaarsan karo khibrado iyo aqoon waxtar u leh qorshayaasha horumarineed ee Muqdisho.

Intii uu socday kulanka, Dr. Muungaab ayaa si gaar ah uga hadlay arrimo mudnaanta u leh Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-habeynta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale sida waddooyinka, biyo-mareennada iyo bullaacadaha, dhismaha xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada, iyo sidoo kale xoojinta nidaamka maamulka iyo maaliyadda gudaha gobolka.

Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Duqa Muqdisho marti-gelinta iyo wada-hadalka furan. Waxa uu amaanay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan horumarinta caasimadda iyo ka shaqeynta nabadda iyo horumarka. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in joogitaanka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya uu noqonayo mid muhiim u ah taageeridda dadaallada ay wadaan hay’adaha maxalliga ah, isaga oo ballanqaaday in Talyaanigu sii xoojin doono kaalintiisa dhinacyada horumarinta iyo la-dagaallanka argagixisada.

Kulankan ayaa qayb ka ah dedaallada lagu dardargelinayo xiriirrada caalamiga ah ee ay Muqdisho la leedahay caasimadaha kale, si fursado cusub loogu helo horumarka degdegga ah ee ay u baahan tahay bulshada ku nool Caasimadda Soomaaliya.