Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa muwaadin Soomaaliyeed ku dileen degaanka la yiraahdo Hermanus oo 121 km u jira Magaalada Cape Town, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Jaqafeey ayaa xilliga la dilayay waxaa uu kasoo baxay Hooygiisa, waxaana lagu rasaaseeyay gaari uu watay, isaga oo isla goobta ku geeriyooday, sida ay sheegeen in qaar kamid ah ehelkiisa.
Ciidamada Booliiska Koonfur ayaa waxaa la
sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira sidii gacan loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.
Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkaan 2021 lagu dilay in ka badann 20 dhalinyaro Soomaali aj, iyada oo sanadkan 221 dalkaasi lagu dilay in ka badan 20 dhalinyaro Soomaali ah, waxaana dilalkaas weli ka hadlin dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika














