Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo markii 4-aad Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Uganda u fudeysay in dib dalka loogu celiyo.
137 Muwaadin ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Caalamiga ah ee Entebbe ayaa noqoya duulamadkii 4-aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda u fudeydiso in dalkii dib looga celiyo.
Hadda qaar ka mid ah dadkii maanta ka dhoofay garoonka Entebbe oo hadlay warbaahinta ayaa ugu mahad celiyay Safaaradda sida ay gacanta weyn ugu geystay in aay dalkii dib ugu laabtan.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ku xayirmay qaar ka mid ah dalalka Caalamka ka dib markii uu Cudurka Corona ka dilaacay dunida.
Qaar ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa tagga Safaaraddaha dowladda Soomaaliya Afrika iyo dalalka Carabta ka dibna halkaasi ayay iska diwaangaliyaan.














