Muxuu yahay qorshaha Trump uu rabey balse Israa’iil ay burisey.

Madaxweynaha Mareykanka ee xilka haya, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo 20 qodob ka kooban, kaas oo lagu doonayo in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Marinka Qasa, islamarkaana lagu sii daayo maxaabiista iyo dad rayid ah oo labada dhinac kala haystaan.

Qorshahan, oo lagu shaaciyay xarunta Aqalka Cad, ayaa dhigaya in 72 saacadood gudahood la sii daayo 20 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah oo weli nool oo ay hayaan Xamaas, iyo sidoo kale maydadka dadka la rumeysan yahay in lagu dilay dagaalka. Taas beddelkeedana, waxaa lagu ballan qaaday in la sii daayo boqolaal qof oo reer Qasa ah oo xabsiyada Israa’iil ku jiray.

Qodobada kale ee heshiiska ayaa qeexaya in Xamaas aysan kaalin ku yeelan doonin maamulka mustaqbalka ee Qasa, iyadoo qorshaha uu u furan yahay suurtagalnimada dhismaha dowlad Falastiini ah.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa mar kale ku celiyay mowqifkiisa ah inuu si adag uga soo horjeedo dhismaha dowlad Falastiini ah. Hadal kooban oo uu ka jeediyay kadib markii heshiiska lagu dhawaaqay, ayuu yiri: “Maaha in la qoray heshiiska. Waxaan horey u sheegnay inaan si adag uga soo horjeedno dowlad Falastiini ah.”

Sida ku cad qorshaha, marka labada dhinac ay saxiixaan heshiiska, gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah ayaa loo diri doonaa Marinka Qasa, si loo daboolo baahiyaha shacabka ku sugan xaaladda adag.

Dhinaca kale, qorshaha mustaqbalka maamulka Qasa ayaa lagu sheegay in muddo ku-meelgaar ah loo dhiibi doono “guddiga Falastiiniyiin ah oo farsamo-yaqaan ah, oo aan siyaasad ku lug lahayn,” kaas oo la hoos imaan doona hay’ad caalami ah oo cusub oo loogu magac daray “Guddiga Nabadda”, isla markaana uu hoggaamin doono Trump.