Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen oo howlo shaqo u jooga Magaalada Muqdisho ayaa galabta qaabilay Wakiilka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambasador Francisco Madeira.
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ambassador Madeira ayaa kulankaan uga hadlay Amniga Guud ee Deegaannada Hirshabeelle.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha la dagaallanka argagixisada iyo sidii loo sameyn lahaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabab, Arrimaha Doorashooyinka, Saameeynta fatahaadaha, iyo doorka Midowga Afrika dhanka ee dhanka horumarinta.
Ugu dambeyntii labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dardargaliyo wada shaqeynta.














