MW K/Galbeed Oo soo gaarey Baydhabo Kana Hadlay Dhacay Dagaalkii Ka Dhacay G/Baay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Garoonka diyaaradaha Shaati guduud ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha Bulshada, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii shalay dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa maamulkiisa iyo Al-shabaab ee ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka dowladda ay khasaaro gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-shabaab, kadib dagaalkii ka dhacay deegaanka Seydheelow oo fariisin ku lahaayeen, isla markaana ku boggaadiyay Ciidanka weerarkii ay qaadeen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhan ah Al-shabaab, waxaana dagaalkii shalay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.