Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo Kulan kula qatay Gudiyada hirgalinta Doorashooyinka iyo ku xigeenka kowaad Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Casha-sharaf iyo kala Warqaadasho maadaama la filayo in Maalinta berito ah Magaalada baydhabo ay ka bilabato doorahada qaar kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare.
Xubnaha Gudiyada odorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa at Warbixin ka siiyeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed halka ay u mrayaan howlaha doorashooyinka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed CabdiCasiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa Gudiga doorashooyinka ku bogaadiyay dadaalkooda ku aadan qabsoomida doorashada Xildhibaannada Aqalka sare.














