Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cbdicasiis Xassan Maxamed lafta gareen ayaa maanta kaqayb galay kulanka Golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Kaduna ee Dalka Nigeria.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Ujeedada safarka Laftagareen iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay iney tahay casuumad ay ka heleen Maamulka dowlad goboleedka Kaduna ee dalka Nigeria.
Casuumada Maamulka KG Soomaaliya ay kutageen Dalka Nigeria gaar ahaan dowlad goboleedka Kaduna ayaa la xiriirta sidii labada Maamul ay u yeelan lahaayeen iskaashi la xiriira isdhaafsiga khibradaha maamul iyo waayo aragnimo, isla markaana u yeelan lahaayeen xiriir joogto ah labada maamul
Madaxweyne Laftagareen iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la sheegay iney u kuurgeli doonaan sida ay u shaqeeyaan dowlad goboleedyada Nigeria iyo sida ay ula fal galaan dowlad dhexe, iyadoo Nigeria ay ka mid tahay dalalka Afrika ugu hormarsan hanaanka federalka


























