MW ku xigeenkii Labaad ee Jubbaland oo Kismaayo lagu aasaayo.

Waxaa goor dhow si rasmi ah uga degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo diyaarad sida meydka Allaha u naxariistee Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, kana geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Diyaaradda oo kasoo qaaday magaalada Nairobi ayaa waxaa garoonka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, saraakiil, ehel iyo dadweyne badan. Marxuum Suldaan Cabdiqaadir ayaa lagu wadaa in maanta si rasmi ah loogu aaso magaalada Kismaayo, waxaana aaska ka qeyb galaya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo horay u gaaray magaalada Kismaayo si ay uga qeybgalaan aaska, mas’uuliyiin heer deegaan iyo heer federaal ah, saraakiil ciidan iyo bulshada rayidka ah.

Geerida Marxuumka ayaa si weyn looga dareemay Jubbaland iyo guud ahaan dalka, iyadoo lagu xusuusto doorkiisii firfircoonaa ee maamulka Jubbaland iyo howlihii uu u soo qabtay shacabka. Madaxweynaha Jubbaland iyo madax kale ayaa la filayaa in ay hadalo tacsi iyo xasuus ah ka jeediyaan munaasabadda aaska. Dhinaca kale, qaar kamid ah Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Kismaayo, si ay uga qayb galaan aaska Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo daqiiqadaha soo socda la filayo in meydkiisa la geeyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaanadan ayaa maamulka Jubbaland, shacabka iyo guud ahaan qoyskii Marxuumka uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland. Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland iyo mas’uuliyiin ay kamid yihiin xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, qaar kamid ah wasiirrada Jubbaland, iyo mas’uuliyiin kale ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kasoo sagootiyay meydka Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo maanta lagu aasi doono magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.