MW Laftagareen iyo Gudoomiye Mursal Oo kulan yeeshay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan magaalada muqdisho ee caasimada dalka ayaa hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Federaalka Somaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan Labada Mas”uul ayaa qaatay kulan saacado dhowr ah socday oo ay iska xog wareysanayeen Xaalada Siyasadeed ee ka jirta Dalka sida Arimaha Doorashooyinka,Amniga,iyo Dadaalada Hormarineed ee ay ku tilaabsatay Dowlada Koonfur Galbeed

Maxamed Mursal Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Somaliya ayaa Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uga mahadceliyey Booqashada ugu yimid Waxaana uu bogaadiyey Doorka uu ka qaadanayo shirka Wadatashiga Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah.