MW Laftagareen Oo Dib ugu soo laabtey Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Safar qaatay maalmo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho waxa uu kulamo kala duwan oo looga hadlayey Arimaha Doorashooyinka la soo qaatey madaxda Dalka,Siyaasiyiin,Xubnaha Beesha Caalamka iyo Xubno kale.