Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeybgalay kulan udhaxeeyey Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeele,Galmudug,iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu Shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble,
kulanka oo ahaa mid Saacado qaatay islamarkaana Ra’iisul Wasaaraha ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

















