Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku tallaabsaday Sanadkii uu joogay horumar ballaaraan,isla markaana ay jiraan Dowlado taageero Cusub u balan qaaday.
Waxaana uu sheegay in safar uu dhawaan ku tegay Dalka Jabuuti loo balan qaaday in dowladda Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonto Qalabeynta iyo Dhismaha Isbitaalka Magaalada Marka iyo Dekadda Degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay jiraan dad ka naxayo oo aan jecleyn horumarka Reer Koonfur Galbeed,hayeeshee dadkaasi aan dheg jalaq loo siin doonin sida uu hadalka u dhigay.
“Dadka horumarka iyo Dowladnimada koonfur Galbeed ka naxaayo waan ognahay loomana joogsan doono,Dalkaan iyo Dadkaana waxaa ay xaq u leeyihiin Ganacsi iyo Amni waana ay heli doonaan ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu Safarro kala duwan uu ku soo marey meelo badan oo ay ugu horreeyso Safarkii uu ku tagaey Dalka aynu Walaalaha nahay ee jabuuti iyo Caasimadda Dalka ee MUqdisho oo uu wadahadallo kula soo qaatey madaxda Dowladda dhexe ee Fedaraalkaa Soomaaliya iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Deegaanadan Koonfur Galbeed Soomaaliya.














