Wararka naga soo gaaray Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo Halkaasi Goob Ganacsi ku Lahaa
Ruuxa la Dilay ayaa waxaa Lagu Magacaabi Jiray Nabaddoon Waxaa uu ka Mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed Ee Dalkaasi Koonfur Afrika Kooxo Burcad ah ayaa waxaa la sheegay in ay ku Weerareeen Goobtiisa Ganacsi
Dilka muwaadinkan ayaa waxa ay geeystay kooxo burcad Koonfur Afrikan ah waxaana ay ku dileen Gudaha Dukaankiisa Waxaa lasoo Warinayaa in ayna Wax Dhac u Geeysan
Ciidamada Booliska Dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray Goobta dilku uu ka dhacay iyaga oo halkaasi ka sameeyay Baaritaano.














