Netanyahu oo Ka Fikiraya Qabsashada Buuxda ee Marinka Gaza, Shirar Amni oo Israa’iil ka Socda.

Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay ilo xog ogaal ah oo shaaciyay in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu ka shaqeynayo qorshe cusub oo lagu “qabsanayo Marinka Gaza,” taas oo qayb ka ah wadatashiyo ballaaran oo ka socda gudaha Israa’iil, kuwaas oo ay ku lug leeyihiin madaxda siyaasadda, saraakiisha amniga, iyo hoggaanka milatariga.

Wararka ayaa tilmaamaya in golaha amniga iyo xukuumadda Israa’iil ay todobaadyada soo socda yeelan doonaan shirar dheeraad ah oo lagu qaabeynayo wejiga xiga ee dagaalka, iyadoo qorshuhu diiradda saarayo ballaarinta howlgalka militari ee ka socda Gaza. Arrintan ayaa dhacaysa iyadoo weli uu jiro khilaaf gudaha ah oo ku saabsan khatarta iyo saamaynta istaraatiijiyadeed ee talaabadan.

Sida ay sheegayaan ilo amni, shir amni oo socday ku dhowaad saddex saacadood oo Talaadadii dhacay, isla markaana uu guddoomiyay Netanyahu, ayaa lagu falanqeeyay qorshe faahfaahsan oo lagu hareeraynayo magaalada Gaza iyo xeryaha bartamaha marinka, si loo go’doomiyo kooxaha dagaalka kula jira Israa’iil.

Qorshahan cusub, haddii la hirgeliyo, wuxuu noqon karaa tallaabo kordhinaysa halista dagaalka, iyadoo la filayo in uu ka dhasho cadaadis dheeraad ah oo caalami ah iyo walaac ku saabsan xaaladda bani’aadantinimo ee shacabka Gaza.