Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ahaa, oo qorsheynayay in uu weerar ismiidaamin ah ka gaysto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Ciidamada Booliska ayaa Maqribnimadii xalay ninkan ka soo qabtay xaafadda Isha, iyadoona lala soo qabtay jaakad ka samaysan walxaha qarxa, oo ah middii uu doonayay in weerarka uu ku fuliyo.
Ninkan oo lagu magacaabo Isaaq Nishow ayaa waxaa casir liqii galabta lagu soo bandhigay Saldhiga Booliska Baydhabo, halkaasoo ay Warbaahinta kula hadleen Saraakiisha Boolisha.
Taliyaha Saldhiga Booliska Baydhabo, Korneyl Mukhtaar Ibraahim Axmed ayaa sheegay in ninkan lagu soo qabtay xog ay hay’adaha ammaanka la soo wadaageen shacabka degan Magaalada Baydhab.
Gaashaanle Amiin Maxamed Daruur, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Baay ayaa isna sheegay in ninkan lagu wareejin doono laamaha amniga, si ay baaritaan dheeri ah ugu sameeyan, deetana loo horkeeno cadaaladda.
Illaa iyo hadda hay’adaha ammaanka waxay fahamsan yihiin in ninkan uu damacsanaa in uu ismiidaamin ka gaysto Magaalada Baydhabo, lagana soo diray Deegaanka Ufurow ee Gobolka Baay.
Dhanka kale Booliska Koonfur Galbeed ayaa isla galabta soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ka soo goystay Ururka Al Shabaab, ka dib markii uu isu soo dhiibay hay’adaha ammaanka. Ninkan oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdi Gale ayaa sheegay inuu qaatay mowqifkan uu isu soo dhiibay.
Waa markii ugu horeysay oo Magaalada Baydhabo lagu qabto nin qorsheynayay in uu ismiidaamin ka fuliyo Xarunta Gobolka Baay, tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen.


















