Nin Muwaadin Soomaaliyeed ku dilay Koonfur Afrika oo la xukumay

Maxkamad ku taalla Magaalada Polokwane ee Dalka Koonfur Afrika, ayaa Maanta waxaa ay xukun Xabsi ah ku riday Nin u dhashay dalkaas,kaas oo horey u dilay Mawaadin Soomaali ah,kana mid ahaa dadka ku Ganacsada dalkaas.

Alle ha u naxariistee muwaadinka Soomaaliyeed ee uu dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray deeqow,iyada oo dilka kaidb meydkiisa ay gubeen Kooxo kale oo Burcad Koonfur Afrikan ah, iyada oo ninkii dilka ka dambeeyay lagu xukumay 37 Sano oo xabsi ah.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa aad u soo dhaweeyay xukunkaan,iyaga oo sheegay inay tahay tallaabo horay loo qaaday oo keeni karta in uu yaraado dilalka loo geysto Soomaalida.

“Waa tallaabo muhiim ah inaan laga harin oo si dhab ah loo daba galo kiisaska Dilalka ah ee ay Boolisku diiwaangaliyaan marka ay dhacaan falalka ugaarsiga ah ee aalaaba lagu dhiig daadiyo Soomaalida iyo Ajaanibta kale ayuu yiri” Mid kamid ah Soomaalida ku nool K/Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool,waxaana Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo inay boobaan hantidooda.