NISA oo howlgal ka fulisey degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.

Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan oo hoostaga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu qabtay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Howlgalka oo dhacay habeenkii xalay ayaa la sheegay inuu ahaa mid si sirdoon iyo qorshe leh loo fuliyay, laguna bartilmaameedsaday xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in mid kamid ah ragga la qabtay uu ahaa horjooge sare oo ka shaqeynayay uruurinta lacagaha baadda ee laga qaado ganacsatada iyo shacabka, taas oo qeyb ka ah dhaqaale ururinta kooxda. Xubinta labaadna waxaa lagu sheegay inuu ahaa sarkaal dhanka sirdoonka u qaabilsanaa kooxda, kaas oo mas’uul ka ahaa xog ururinta iyo qorsheynta dilalka qarsoon ee magaalada ka dhaca.

NISA waxay sheegtay in howlgalka uu daba socday digniin rasmi ah oo hay’addu soo saartay 20-kii Luulyo, taasoo si cad u muujinaysay in uruurinta, bixinta iyo maalgelinta lacago baadda ah ay la macno tahay taageeridda argagaxisada, islamarkaana ay tahay fal dambiyeed ka dhan ah sharciga gudaha iyo kan caalamiga ah.

Taliska NISA ma aysan shaacin magacyada iyo sawirrada xubnaha la qabtay, balse waxay tilmaameen in baaritaanno dheeri ah lagu wado si loo ogaado xiriirada iyo howlaha kale ee ay ku lug lahaayeen. Qabashada xubnahan ayaa loo arkaa guul weyn oo ka timid howlaha sirdoonka, iyadoo ay muhiim u tahay kahortagga weerarada iyo cabsi-gelinta shacabka.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha amniga ku doonayaan in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, sirdoonka iyo ficillada qorsheysan ee ay ka geystaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.