Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Tiyaatarka Qaranka Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada, dib u dhiska iyo awoodsiinta hannaanka dowladnimada oo ah waddada kaliya ee aynu kula tartami karno shucuubta caalamka.
Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda iyo dadaalkii dadkii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda iyo dowlad dhiska dalkeenna, isaga oo ku booriyey shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed in ay markasta tusaaleystaan dowladnimadii iyo dal jacaylkii halgameyaashii SYL, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay inoo dhaxalsiin lahaayeen mustaqbal iyo dal wanaagsan.
“Waxaan leenahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, taas oo ay noo horseedeen halgameyaasheenii maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna kana fogaanno qabyaaladda oo aan ognahay meesha ay na dhigtay”.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii loo xoojin lahaa dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna ku bogaadiyey isxilqaamayaasha Shaqaalaha Rayidka ah, ganacsatada iyo howlwadeennada Gobolka Banaadir doorka wanaagsan ee ay ka qaateen hirgelinta Ololaha Isxilqaan.
Madaxweynaha oo xus iyo duco u gaar yeelay halyeeyadii u shahiiday iyaga oo dalkeenna u adeegaya, ayaa Alle naxariis iyo dambi dhaaf u weydiiyey Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) oo hormuud u ahaa Isxilqaameyaasha Gobolka Banaadir ee ay ka go’an tahay soo celinta bilicda, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xarumaha danta guud ee Caasimadda.














