Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafadda Fagax ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi koox hubeysan ay ku dileen nin Oday ah.
Sidda ay Radio baidoa u sheegeen dadka degaanka Koox hubeysan ayaa ninkaasi Odayga ah ku dilay Agagaarka hoteelka Lafweyn.
Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana ilaa hadda aanan la ogeyn sababta ay u beegsadeen ninkan Da’da ah.
Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ayaa baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo sidii looga daba tegi lahaa raggii dilka geystay waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid, inkastoo ilaa hadda aanan la sheegin cid loo soo qabtay dilkaasi.














