Odeyaasha Tardo iyo agaasimaha NISA oo kulan yeeshey.

Agaasimaha Hey’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Generaal Khaalid), ayaa kulan gaar ah la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

Kulankan oo si gaar ah loo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo bulshada deegaanka.

Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ku bogaadiyay odayaasha dhaqanka doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin taageeridda ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha dagaalka, iyagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado wada-shaqeynta.

Waxaa sidoo kale lagu dhiirrigeliyay in shacabka la baraarujiyo, lana xoojiyo wada-shaqeynta si looga hortagayo khatarta Khawaarijta, taas oo muhiim u ah nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee gobolka.