Xaflada soo bandhigidda Musharax Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa Xalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb iyadoo ay ka qayb galeen Masuuliyiin isugu jirtay Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Faderaalka , Xildhibaanada Galmudug , madaxda Dhaqanka , Dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada,
Munaasabada oo xambaarsaneyd dhoolatus siyaasadeed ayaa lagu muujiyay Kasoo qayb galka Xubnaha Baarlamaanka Galmudug oo iyagu ah kuwa codka bixinaya Maalmo kadib iyadoo masraxa laga jeediyay hadalo ka tarjumayay hogaaminta musharaxa iyo waxa la gudboon gollaha Baarlamaanka,
Dr: Mohammed Nuur Gacal ayaa goobta ka sheegey in uu yahay shaqsi ujeedkiisu yahay in aqoontiisa gaarsiisan heerka Sare ee PHD iyo waayo aragnimadiisa uu kaga faaiideeyo Galmudug gaar ahaan habeynta shuruucda Galmudug iyo Mideynta Baarlamaanka Cusub.






































