Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Ceydiid Dirir, ayaa ku baaqay in caasimadda Federaalka Soomaaliya laga raro magaalada Muqdisho loona wareejiyo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay badbaadada dowladnimada, xoojinta amniga iyo ilaalinta nolol maalmeedka xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ceydiid Dirir waxa uu tilmaamay in Muqdisho aysan hadda ahayn meel ammaan ku filan oo ay ku shaqeeyaan xildhibaannada Qaranka, isagoo tusaale u soo qaatay in qaar ka mid ah mudaneyaasha ay ku xayiran yihiin hoteello uu ku tilmaamay “magafe”, taas oo ay adag tahay inay ku gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Sidaas awgeed, waxa uu ku baaqay in loo helo deegaan ammaan ah oo xildhibaannadu si xor ah ugu shaqeeyaan, loona suurageliyo howlaha sharci-dejinta iyo korjoogteynta dowladda.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale fariin gaar ah u diray maamul goboleedyada kale ee Hirshabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay ku soo biiraan baaqa Puntland, si loo qabto shirweyne ballaaran oo lagu qabanayo magaalada Garoowe. Shirkan, ayuu sheegay, in uu noqon doono madal lagu falanqeeyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya, qaab dhismeedka siyaasadeed ee federaalka, iyo su’aasha ku saabsan halka caasimaddu ku habboon tahay inay ahaato.
Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu ka dhex taagan yahay dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, gaar ahaan arrimaha ku saabsan awood qeybsiga, xiriirka siyaasadeed iyo maamulka caasimadda Muqdisho. Dooddan cusub ee ku saabsan beddelidda caasimadda waxay soo kordhisay xiisad kale oo siyaasadeed, taas oo laga yaabo inay sii huriso muranka ku saabsan qaabka dowladnimada ee Soomaaliya iyo jihada uu dalka u socdo.














