Puntland oo Gacanta ku dhigay Nin dil geystay

Ciidamada Booliiska Qaybta Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan Maxamed Cabduqaadir Muuse (Afdheere ) oo tuulada Laanta Hawada oo dhinaca bari ka xigta Garoowe ku dilay Marxuum bootaan Cowl oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Badda Puntland.

War kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliiska Qaybta Gobolka Nugaal ayaa waxaa lagu sheegay in Gacan ku dhiiglaha markii dilka uu gaystay baxsaday, balse Ciidamada ay ka soo qabteen inta u dhaxaysa Baarweyn iyo budun buto oo ka tirsan dèegaanka Qarxis Ee Gobolka Nugaal.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska Qaybta Gobolka Nugaal ay mar kasta ka howl galayaan in ay soo qabtaan cid walba oo falal dil ah gaysata.

Dilka Magaalada Garoowe loogu geystay Bootaan Cowl oo kamid ahaa Saraakiisha Hay’adah Amniga Puntland ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli maalin ka hor Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Puntland ay Magaalada Garoowe ku dileen Gabar lagu Magacaabi jiray Maryan Axmed Caato.