Puntland oo gacanta ku dhigtey dad fal amni daro ah looga shakiyey.

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa bilaabay baaritaan ballaaran kaddib markii xalay fiidkii magaalada Garoowe, gaar ahaan aagga Naaso Hablood, lagu dilay Khadar Cabdi Yuusuf Nuur (Ina Caasho Sulub), oo 25 jir ahaa kana shaqeynayay darawalnimo mooto-bajaaj.

Warbixin hordhac ah oo ka soo baxday booliska ayaa lagu sheegay in marxuumka uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar ay ku qaadeen koox burcad ah oo ku hubaysnayd toorey. Kooxdaasi ayaa ka baxsatay goobta falka markii ay geysteen dhaawaca, balse ciidanka booliska ayaa si degdeg ah u gaaray halka dhacdadu ka dhacday, iyagoo bilaabay raadinta eedeysanayaasha.

Taliska booliska ayaa xaqiijiyay in hawlgal degdeg ah oo ay fuliyeen lagu soo qabtay qaar ka mid ah dadka loo tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dilka, kuwaas oo hadda lagu hayo saldhig boolis si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Baaritaanka kiiskan ayaa weli socda, waxaana Booliska Puntland ballanqaaday in natiijo rasmi ah oo dhammeystiran laga soo gudbin doono marka la soo afjaro hawlgalka baarista, isla markaana caddaaladda la horkeeni doono cid kasta oo ku lug leh falkaasi.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa mar kale ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sugidda amniga shacabka, ka hortagga falalka amni-darrada ah, iyo in si degdeg ah loo qaban doono oo loo maxkamadeyn doono dambiilayaasha carqaladeynta nabadda bulshada.