Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa si xeeladeysan u fuliyay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Biyo Kulule, oo ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Boosaaso iyo aagga Baallde ee gobolka Bari. Howlgalkan oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada, ayaa lagu qabtay gaari nooca “Dhaynta” ah oo siday raashin iyo qalab koronto cadceedda ka shaqeeya, kuwaas oo lagu waday in si dhuumaaleysi ah loo gaarsiiyo kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa togga Baallde.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay laba nin oo dhalinyaro ah oo la socday gaariga, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay qeyb ka yihiin shabakadda sahayda siisa kooxda Daacish. Warbixin kooban oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegtay in sahaydan laga raray magaalada Boosaaso, iyadoo lagu qorsheeyay in si qarsoodi ah loo geeyo goobaha ay kooxdaasi isku urursatay, taasoo muujinaysa sida kooxdaasi uga taag darantahay dhinaca sahayda iyo isgaarsiinta.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo gudaha u ah kooxda Daacish ayaa sheegay in xaaladdooda nololeed ay aad u liidato, kadib markii ay ka dhamaadeen raashinkii, biyihii, iyo agabkii caafimaad. Waxaa sidoo kale la sheegayaa in cadaadis xooggan oo kaga imaanaya dhinaca ciidanka Puntland uu keenay in xubnaha Daacish ay hoos u dhigaan dhaqdhaqaaqyadoodii militari, isla markaana ay billaabeen codsiyo gurmad ah oo ay u diraan xiriirayaashooda gudaha magaalada Boosaaso.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Puntland, xubnaha kooxda Daacish ee weli firfircoon ayaa hadda isku uruursaday saddex aag oo muhiim ah: Il-Abbal, Yucrin, iyo Maraagade. Dhammaan goobahan ayaa ku yaalla gudaha togga Baallde, meel qiyaastii 20km u jirta magaalada Boosaaso, waxaana halkaas si adag u go’doomiyay ciidamada Puntland oo la wareegay dhammaan marinadii sahayda iyo isu socodka.
Taliska ammaanka Puntland ayaa ku adkeystay in aysan joojin doonin gulufka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan Daacish oo ay sheegeen in waqti ahaan lagu jiro wajigii ugu dambeeyay ee lagu dabar-goynayo. Ciidamada ayaa sidoo kale ku hanjabay inay tallaabooyin dheeraad ah qaadi doonaan si looga hortago isku-day kasta oo kooxdaasi ku dooneyso inay dib u hesho sahay ama koronto si ay ula sii joogto buuraha gobolka Bari.
Howlgalkaani wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee ay ciidamada Puntland ku bixiyeen sugidda amniga gobolka, iyadoo laga hortagayo khataraha kasoo horjeeda xasiloonida, waxaana dadweynaha gobolka loogu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si si buuxda looga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah.














