Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay warar lagu baahiyay baraha bulshada kuwaas oo sheegayay in dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed si afduub ah loogu hayo magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiye Faysal ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwo “aan sal iyo raad toona lahayn,” isagoo sheegay in dadka la sheegay in la afduubay aysan ahayn dad si sharci-darro ah loo haysto, balse ay yihiin qoyska nin 19 sano kahor lagu dilay deegaanka Idaale ee gobolka Baay, dilkaas oo dhacay sanadkii 2007.
Wuxuu intaa ku daray in beelaha kasoo jeeda Koonfur Galbeed si rasmi ah u oggolaadeen habka xallinta ee loo maray arrintaasi, isla markaana aysan jirin cabasho rasmi ah oo kasoo yeertay qoysaska la xiran.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii baraha bulshada si weyn looga hadal hayay kiiskan, iyadoo qaar kamid ah dadka isticmaala ay maamulka Puntland ku eedeeyeen in uu dad si sharci-darro ah ugu hayo xabsi, taas oo uu Guddoomiye Faysal si cad u beeniyay.














