Puntland oo qaraarka lagu cambaareynaayo DF Soomaaliya soo saartey.

 

Golaha Wakiillada Maamulka Puntland ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay qaraar kulul oo ay kaga falcelinayaan faragelinta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso qaar kamid ah gobollada dalka, gaar ahaan SSC, Gedo iyo Jubbaland. Qaraarkan oo ka kooban lix qodob oo adag ayaa si qoto dheer uga digaya khataraha ka dhalan kara siyaasadaha daandaansiga iyo kala-qaybinta bulshada, iyadoo la tilmaamay in ficillada dowladda federaalka ay wiiqayaan hannaanka federaalka iyo midnimada dalka.

Qodobka koowaad ee qaraarka ayaa si cad u cambaareynaya faragelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobollada SSC, gaar ahaan Sanaag iyo Haylaan. Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in ay sabab u tahay kacsanaanta siyaasadeed iyo amni darrada halkaas ka taagan, iyadoo lagu tilmaamay faragelintaasi mid wiiqaysa dadaalladii nabadda iyo maamulka ee ka socday SSC-da.

Qodobka labaad ayaa dhaliil xooggan u jeedinaya dowladda dhexe oo lagu eedeeyay inay ku howlan tahay qorshayaal lagu kala qaybinaayo bulshada Soomaaliyeed, taasoo ay Golaha Wakiilladu sheegeen inay ka dhalan karto khalkhal siyaasadeed iyo colaad sokeeye. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in ficilladaasi ay si toos ah uga hor imaanayaan mabda’a dastuuriga ah ee federaalka, isla markaana ay halis gelinayaan wadajirka iyo deganaanshaha gobollada.

Qodobka saddexaad wuxuu si gaar ah u taabanayaa xaaladda gobolka Gedo, iyadoo Golaha Wakiilladu ay weerarka dowladda federaalka ee lagu qaaday Jubbaland ku tilmaameen duullaan sharci-darro ah oo lagu waxyeeleynayo shacabka iyo maamulka deegaanka. Sidoo kale, waxay tacsi u direen dadkii ku naf waayay ama ku dhaawacmay dagaalkaasi, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo faragelinta militari.

Qodobka afraad ayaa iftiimiyay culayska iyo dhibaatooyinka joogtada ah ee ay kooxaha argagixisada ku hayaan shacabka iyo ciidamada ku sugan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Golaha Wakiillada Puntland ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inay ka gaabisay taageeradii ay u baahnaayeen ciidamada halkaas ku sugan, taasoo keentay in kooxaha argagixisada ay fursad u helaan inay sii hurinayaan falalkooda xagjirnimo.

Dhanka kale, qodobka shanaad ayaa waxaa lagu amaanay ciidamada Puntland iyo kuwa deegaanka Hiiraan, gaar ahaan geesiyaasha ku sugan Buuraha Calmiskaad, kuwaas oo si geesinimo leh ula dagaallamaya kooxaha argagixisada. Golaha Wakiillada ayaa bogaadiyay howlgalkaasi oo ay ku tilmaameen mid muujinaya kartida shacabka iyo ciidan Soomaaliyeed marka ay helaan hoggaan suuban iyo taageero dhab ah.

Ugu dambeyn, qodobka lixaad wuxuu baaq xooggan u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyadoo lagu dhiirrigeliyay in la ilaaliyo midnimada dalka, lagana hortago kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada iyo xasiloonida dalka. Golaha ayaa ku booriyay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada, islamarkaana la dhowro mabda’a federaalka ee ay ku dhisantahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaraarkan kasoo baxay Golaha Wakiillada Puntland ayaa imaanaya xilli ay isa soo tarayaan walaacyada laga muujinayo qaabka dowladda dhexe u wajahday maamulka gobollada, taas oo laga cabsi qabo in ay wiiqdo wadajirka iyo nabadda dalka. Puntland ayaa horey u muujisay dareen diidmo ah oo ku aaddan faragelinta dowladda dhexe, iyadoo marar badan ku celcelisay inay ilaalinayso madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo ilaalinta dastuurka ku dhisan federaalka.