Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Imaaraadka Carabta uu Umadda Soomaaliyeed u fududeeyo arrimaha socdaalka dal ku galka iyo degegaanshaha, kaddib war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
War saxaafadeedka ayaa looga mahadceliyay Imaaraadka Carabta tallaabadan, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay jireen mugdi ku aadan degenaanshaha Soomaalida, arrimo xiriira khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.















