Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur, ayaa si cad u sheegay in markabka Sea World ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) sheegatay uu “xalaal u yahay” Puntland, isla markaana maamulka Puntland uu leeyahay xaq buuxa oo uu u adeegsan karo ama uga shaqaysiin karo dekedaha Puntland.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii DFS ay ku gooddisay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono Puntland haddii aysan u hoggaansamin sharciga dalka iyo xeerarka maareynta dekedaha. Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Puntland in ay ku xadgudubtay awoodihii dowladda dhexe iyo nidaamka dalka.
Cabdifitaax Cabdinuur ayaa dhankiisa ku adkaystay in Puntland aysan ka cabsi qabin hanjabaadaha DFS, isagoo ugu baaqay dowladda dhexe in ay ka waantoowdo waxa uu ku tilmaamay “faragelin iyo cabsi gelin sharci darro ah”.
Khilaafkan cusub ayaa sii hurinaya xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Puntland iyo DFS, gaar ahaan arrimaha ku saabsan maamulka kheyraadka iyo dekedaha dalka. Khubaro siyaasadeed ayaa ku tilmaamay xaaladdan mid u baahan wada-hadal degdeg ah si looga fogaado isku dhacyo dheeraad ah oo saameeya xiriirka labada dhinac.














