Puntland oo shir ka yeelatay dadka lagasoo musaafuriyay laas-Caanood

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii laga soo musaafuriyay magaalada laascaanood.

Kulanka waxaa ka soo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay.

Kulankaa ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli Puntland ay soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo laga soo barakiceyey laascaanood.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqada leh iyo hay’addaha kale ee Xukuumadda in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gargaaro , kuwa gudbayana loo fududeeyo safarkooda.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Maamulka Puntland, Maxamed Cabdirashiid Cali.