Puntland oo shuruud adag miiska soo saartey xili shir muhiim ah uu soo dhowyahay.

Wasiirka Caddaaladda Maamulka Puntland, Mudane Maxamed Cabdi Wahaab, ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ku tumaneyso dastuurka dalka islamarkaana ay ka leexatay wadadii saxda ahayd ee dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa qoraal rasmi ah oo uu baahiyey ku muujiyay dareen adag oo ku saabsan sida uu u arko xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo si gaar ah u canbaareeyay qaabka ay dowladda u wajahday arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo xiriirka kala dhexeeya dowlad-goboleedyada.

waxaana wasiirka uu soo jeediyey qodobo dhowr ah :-

  1. Soo Noqoshada Dastuurka 2012
    Wasiirku wuxuu ku baaqay in lagu soo laabto Dastuurka KMG ah ee la ansixiyey August 2012, isagoo tilmaamay inuu yahay heshiis bulsho oo saldhig u ah nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

  2. Dib-u-dhiska Gogosha Wadatashiga Qaran
    Waxa uu si cad u dhaliilay sida madashii Wadatashiga Qaran loogu beddelay madal ay maamusho hal xisbi qaran ah oo aan metelin dhammaan daneeyeyaasha, wuxuuna ku baaqay in gogol wadatashi dhab ah la furo.

  3. Doorasho Qaran oo Heshiis Lagu Yahay
    Wasiir Maxamed wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo doorasho qaran oo laga heshiiyay, si looga gudbo marxaladda kumeel-gaarka ah, loona dhiso hay’ado sharciyad buuxda leh.

  4. Aqoonsiga Doorashadii Jubbaland
    Wasiirku wuxuu dowladda federaalka iyo Puntland ku eedeeyay inay wadaan “duullaan siyaasadeed” oo ka dhan ah Jubbaland, wuxuuna ugu baaqay in la aqbalo doorashadii maamulkaas si loo ilaaliyo midnimada siyaasadeed ee dalka.

Qoraalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka uu cirka isku sii shareerayo, iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinayo dhinacyada in la gaaro xal qaran oo ku saleysan wadatashi, dastuur iyo is-ixtiraam.