Puntland oo soo saartey Gudi kushaqeeyn doono Aaska qaran ee Raiisul wasaarihii hore xasan Abshir faarax

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddi u magacaabay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameynayo Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.
Guddiga uu Madaxweynuhu magacaabay ayaa kala ah:-

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye)
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye Ku-xigeen)
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Osmaan Lugatoor (Xubin)
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan (xubin)
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jaamac Faarax Xasan (xubin)
Taliyaha Ciidamada Alsuubta Gen Cali Nuur (xubin)
Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdiyare Xasan Xuseen (xubin)
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (xubin)
Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Barre (xubin)
dhamaan hubnahaan ayaa loo magacaabey in ay kushaqeeyaan qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo alaha unaxriistee ra iisul wasaarihii hor ee somali xasan abshi faarax oo kugeriyoodey megaalada ankara ee wadanka turkiga