Puntland oo war ka soo saartey dagaalkii Dhahar.

Booliska Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyagoo sheegay in ciidamada ammaanka ay si buuxda u xakameeyeen xaaladda kadib iska horimaad xooggan oo dhacay shalay.

War-saxaafadeedka kasoo baxay taliska booliska ayaa lagu sheegay in dagaalka uu bilowday kaddib markii kooxo maleeshiyaad hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada ammaanka ee ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Booliska ayaa ku eedeeyay kooxahan inay weerarka ka soo abaabuleen magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay qorshe lagu carqaladeynayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Weerarka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada khasaaraha.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Haylaan, G/Sare Jaamac Maxamuud Gabayre, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen isku dayga kooxahan, isla markaana ay ku guuleysteen inay xakameeyaan xaaladda si looga fogaado dagaal sii fida.

Booliska Puntland ayaa shacabka magaalada Dhahar ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, kana warbixiyaan cid kasta oo looga shakiyo falal amni-darro ah. Waxay balanqaadeen inay sii wadi doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo nabadgelyada, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata khalkhalgelinta ammaanka.

Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafyo siyaasadeed iyo abaabul hubeysan ay ka socdaan gobollada SSC iyo Sanaag, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisaduhu isu beddelaan dagaallo ballaaran.