Daa’uud cali Cumar oo kamid ahaa howlwadeenada Radio Baydhabo ayaa Xalay kooxo hubeysan Dil ugu Geeysteen Magaalada baydhabo Asiga iyo Xaaskiisa
Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku Sugan Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka ayaa Waxaa ay cambaareeyeen Dilka Xalay Magaalada Baydhabo Laagu Geeystay Wariye Daa’uud Cali Cumar oo ka Mid ahaa Wariyayaasha ka Howlgalla Magaalada Baydhabo Ee xarunta Gobolka Baay
Qaar ka Mid ah Wariyayaasha ka Howlgalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dalbadeen in ay cadaaladda Hor Keento Dhagar Qabayaashii ka danbeyay Dilka Loo Geeystay wariye Daa’uud iyo xaaskiisa
Wariye Daa’uud Cali Cumar iyo iyo Xaaskiisa ayaa Xalay Lagu Dilay Xaafadda Bardaalle Ee Magalada Baydhabo














