Guddiga Gurmadka Koonfur Galbeed u xilsaartey Dadkii laga soo barakiciyey Laascaanood ayaa soo sagootiyey 21 Qoys oo ka kooban 78 Ruux kuwaas ku wajahan magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee DGKGS.
Baydhabo waxaa ku soo wajahan diyaaradii ugu horeysey oo wada qoysas gaaraya 21 kuwaasi oo maal maalmihii lasoo dhaafey kusugnaa megaalada gaalkacyo ee puntland.
Gudigii dhowaan magacaabey laftagareen oo howlahaan ka shaqeeyey ayaa dadkaasi ka soo sogootiyey gudaha garoonka ayagoona muujinayey gudigaasi ka kooban shanta wasiir dareenkooda qofeed iyo masuuliyada lasaarey.
Maamulka puntland ayaa lasheegey in qoysaskaan uu ugu deeqey lacag safar salaamo ah.
Garoonka diyaaradaha shaati gaduud ee megaalada baydhabo waxaa kasocda qaban qaabada soo dhaweynta qoysaskaan.

















